Sawiro:Ciidamada Kenya ayaa labo nin ku dilay Deegan Hoostago Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

ceelwaq

Wararka naga soo gaaraya gobolda Gedo ayaa waxaaay sheegayaan in Ciidamada Dowlada Kenya ayaa ku dileen labo nin Tuulada Dhuuntow ee udhow Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Nimaakan ladilay ayaa waxa lagu dhexdilay Xarunta Shirkada Hormuud ee ay ku lahayd Tuulada Dhuuntow.

Allaha unaxariistee labada nin ee lagu dhex dilay xarunta Shirkada Hormuud ee deegaanka Dhuuntow ayaa waxaa lagu kala magaacabaa, Cabdirixiim xasan indhahul “Gilaa” iyo   Irshaad aydoor farax qorane waxaana loo dilay si arxaan faro ah iyadoo markii hore gacmaha laga xiraywaxaana layskugu daray ceejin iyo Xabad .

Ciidamada Kenya ayaa waxay ka Gaysteen gobolka Gedo dilal Badan iyo burburinta Hantida shacabka mana ahan markii ugu horaysay ee Ciidamada Kenya ay dad shacabka ku laayaan Gobolka Gedo.

ceelwaq ceelwaq dil

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.