Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay Filim qaadihii Daacish

shabab

Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacishta Soomaaliya qala-laasaha ka waddo, sidoo kala ahaa mid ka mid ah kuwooda u qaabilsan kooxda qaraxyada ay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan goballada shabeelaha-Hoose iyo Benaadir ayaa maxkamadda darajada 1-aad go’aan ka soo saartay.

Maxkamadda ayaa u cuskatay xukunkeeda qodobo kale duwan sida Qiraalka Eedeysanaha, Caddeymaha laga qoray markaatiyaasha, Kaamiro video uu watay eedeysanaha oo ay kuu duubnaayeen muuqaallo muujinayo ficilada kooxda, Batari, Fiilooyin iyo agab kale oo loo isticmaallo farsamada qaraxyada.

Caddeymaha muuqaal laga duubay Qarax uu aasay eedeysanaha inta aysan qarxin ciidamada amniga ka hor , codsiga qareenada u doodayay eedeysanaha ee aheyd in loo naxariisto maadaama markii ugu horreysay ee aheyd ee uu geysto ficil nuucaas ah, waxa ay garsoorayaasha go’aamiyeen In jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo eedeeyay waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Xabsi daa’in”- Sida uu u sheegay warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanah ayaa ku biiray kooxda Daacish kadib markii ay is qabteen kooxda Al-shabaab uu horay uga tirsanaa, waxa uuna cel-celis ahaan ku soo qaatay kooxahaasi in ka badan 5-sano.
Goballada bari ee dhulka Puntland gaar ahaan qandalla ayuu ka soo dagaalamay balse mar dambe oo ay kooxdu u soo wakiilatay dhibaateynta shacabka ku dhaqan Shabeelaha -Hoose iyo Benaadir ayaa waxa isaga oo ku jira dhagridda shacabka weliba ku mashquulsan qarxinta miino ay ku aaseen wada-da dhinaceeda, waxa ay ciidamada amniga ka soo qabteen halka loo yaqaano Bood-boodka oo ah degmada Afgo’e ee gobalka shabeelaha hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.