Muuqaal:Madaxweynaha Soomaliya oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta hal darajo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo ka hor intaan la dalacsiin ahaa Sarreeye guuto.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey Xaflad loogu magac daray Kulanka Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, ayaa ugu hambalyeeyey Halka darajo ee uu dalacay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko.
Dalacsiinta Taliyaha, ayaa timid kadib markii waxqabad muuqda uu ka sameeyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana Taliska Booliska uu ku guuleystay dib u dhiska Ciidanka iyo in dib u dayactir lagu sameeyo qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka, kuwaasi oo ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.