Madaxwaynaha Soomaliya Bari Booqasho ku tagaya Dalka Eritrea

farmaajo

Maaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinta Sabtida oo berito ah waxa uu ku wajahan yahay Magalada Asmara ee Xarunta Wadanka Erateria.
Sida waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle Waana markii ugu horreysay ee Madaxwaynaha soomaliya booqasho ku tago dalka Eritrea.
U jeedka safarka Madaxweynaha Soomaliya ee Asmara ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal iyo arimaha geeska afrika siiba colaada ka dhaxaysa dalka Eritrea ioyo Jabuuti halkaas oo xududa labada dal ay ciidamo isku horfadhiyaan.

Tagitaanka Madaxwaynaha Soomaliya ee dalka Eritrea ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo ay dhawaan heshiiyeen Ethiopia iyo Erateria waxaana lafilayaa in booqashadaan wax wayn ka badasho xiriirka labada dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.