Wasiir Arrumaha Dibada Soomaliya oo Qaabilay Safiir Qadar ee Soomaali

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Xasan bin Xamsa Asad Haashim, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.
Safiirka Qatar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday wasiirkiisa uu ku socotay Wasiir Axmed Cawad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray walaalkiisa Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aala taani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.
Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.
Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah, iyadoo ah hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.