Xildhibaan Farax Xasan oo sheegay in Gedo la gacan bidixeeyey Waxaana Loo gaystay xasuuq

farax

Xildhibaan faarax Xasan oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Dhibaatooyinka joogtada ah ee ka dhacaya Gobolka Gedo Kuwaas oo isugu jira Dilal loogaysto shacabka iyo xoolaha iyo Burburin hantida shacabka Gedo.

Xildhibaan farax Xasan ayaa Bogiisa Facebooga waxuu kaga hadlay Dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo shacabka Gobolka Gedo iyo Gadardaamada maamulka Jubbland uu kawado Gedo.

Hoos ka aqriso Qoraalkii Xildhibaan farax Xasan

“Waxaan markhaati ka ahay in Gedo la gacan bidixeeyey oo maamul shaqeeya iyo horumarba loo diiday.
Waxaan markhaati ka ahay in hagardaamo loogu daray oo Kenyan lagu amray inay laayaan dad iyo duunyo waxay arkaan.
Xoolo la leeyahay waa Argagaxiso oo la leynayo taariikhda meel aan Gedo aheyn kama dhicin!.
Wali ma arkin hal mashruuc oo xitaa kuwa dowladda dhexe ugu tala gashay oo loo gudbiyey.
Inyar markay madaxa kor u qaaddo madaxaa la isu geliyaa!
Federalka Jubbaland ka jiraa ma mid aayaha dadka ku haynaya Kismaayo kaliyaa?
Hadduu sidaas yahay in guri waliba tashado maxaa diidaya?
-Waxaan rabnaa Gedo talada dalka wax ka leh oo miiska lixda oday soo fariistaan 7-ku noqonaysa!
-Waxaan rabnaa Gedo nabad ah oo horumaraysa!
-Waxaan rabnaa dad iyagu ismaamula oo hela wiilkooda oo aayahooda ka taliya kana naxaya oo aan shisheeye u adeegsaneyn leyntooda iyo isku dirkooda.
Dad baa la laayey Jubbaland kama hadal!
Xoolo argagaxiso lagu sheegay la laayey kama hadal jubbaland!
Fatahaado iyo dhibaatooyin dhacay looma gurman.
Haddii loo dhaqaaqona daaqaddaa laga galay ayaa la yiri.
Maxaa khaldan?
Waxba yaan la isu maahmaahin oo hawada la iska xagxagan!
Gedo hadday ka madax bannaanato Kismaayo waxay heleysaa
1-talada dalka qeybteeda oo wiilasheeda ka go’da.
2-waxay heleysaa mashaariicda dalka qeybteeda oo aysan marti ka ahaaneyn.
3-waxay heleysaa tabar ay kula xisaabtanto derisyada duleystay oo maalin walba xoolaha iyo dadka leynaya.
4-waxay heleysaa tala kanaxeysa oo ehelnimo iyo isla tashi.
Gedo marti kama ahaan karyo taladeeda!
Qoloda aan hadli karin oo Ahmed Madoobe ka gabatay anagaa u dhaheyna una ogol inay na aflagaadeeyaan si ay loyalty iyo daacadnimo ugu muujiyaan.”””
#Horeyusoco

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.