Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac “ Ciyaar Jecel “ oo ka mid ah guddiga adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo la hadlay warhaabinta Kalfadhi ayaa sheegay in dhibaatada ciidamada Kenya ay ka wadaan gobolka Gedo gaar ahaan Beled-xaawo ay tahay siyaasad guud oo dowladda Kenya ay dagtay , isla markaana ay rabto in ay ku wiiqdo qabka Soomaalida iyo sharafka dumarka Soomaaliyeed.
Xildhibaanka oo ka hadlyay dhibaatooyinka ciidanka Kenya ayaa sheegay in kufsiga ay dumarka u geystaan uu yahay mid joogta ah ayna ugu dambeysay 24-kii Bishii Luulyo markii ciidamo Kiinyaan ah ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay af-duubteen gabdho ayna kufsanayeen ilaa ay ka miir daboolmaan.
Dowladda Federaalka gaar ahaan wasaaraddaha arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo xuquuql isnaanka iyo haweenka ayuu ugu baaqay in ay tallaabo la taaban karo ka qaadaan “ xad gudubyada joogtada ah ee ciidamada Kenya ay geysanayaan”
Ka xildhibaan ahaan ayuu sheegay in uu hadda wado in qareenno caalami ah uu u qabto gabdhihii dhibkaas loo geystay isla markaana uu dacwadda uga furo maxkamadda caddaaladda adduunka ( ICJ)
Leave a Reply