Akhriso:Wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare ku xiggeenka XFS oo gaaray Magaaladda Garoowe

hilal

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta ka ambabaxay magaaladda Muqdisho, ayaa gaaray Xarunta Dowlad goboleedka Puntland ee Goroowe.
Wafdigaasi, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Cadaaladda XFS iyo Masuuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyey Madax ka tirsan Maamulka Puntland.
“Waxaan Galabta soo gaarnay Magaalada Garoowe oo si diiran na loogu soo dhaweeyay. Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan madaxda Puntland iyo Shacabkii na soo dhaweeyay. Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa R/wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi M. Guuleed oo Wafdiga Golaha wasiirada ah hogaaminayay” Siddaas waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka Maaliyadda XFS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.