Dhageyso+Sawiro:Xaalada Isbitaalka Degmada Buurdhuubo oo laga dayrinaayo

buurdhubo

Isbitaalka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa soo wajahay Daawo iyo dhaqaatiir la’aan kadib markii hay’adii hayn jirtay ay mudo hore kabaxday, Oday dhaqameed kamida Odayaasha Degmada Buurdhuubo oo layiraahdo Muxumed Cali Ibaarim “”Dhagaceel”” ayaa waxuu soo gaaray Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo Halkaas oo uu kula kulmay wariyaha Warsame Xaaji waxuuna uga war bixiyey qayla dhaan oo uu kawado Isbitaalka Degmada Buurdhuubo.

Caaqil Muxumed Cali Ibraahim ayaa waxaa uu sheegay in bukaanka Degmada Buurdhuubo loo qaado Magaalada Luuq taas oo mararka qaarkood dhacda Bukaankii oo aan gaarin Luuq inuu dhex ku geeriyoodaan, waxaana ugu dambayntii Dowlada Federaalka iyo qurba joogta kasoo jeeda Gobolka Gedo ugu Baaqay inay Gurmad dag daga lasoo gaaran Isbitaalka Degmada Buurdhuubo.

buurdhuubo

buurdhuubo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.