Shirkaan wadajirka ah ee ay maanta Magaaladda Garoowe ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda dowlad Goboleedka puntland, ayaa looga hadlayey xoojinta wada shaqaynta wasaaradaha dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo mideyn lahaa siyaasada iyo sharcidda .
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali , ayaa shir Guddoomiyey shirkaan, waxaan ka qayb galay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xiggeenka Puntland, iyaddoo si wayn looga dooday siddii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaaradaha dowlada federalka Soomaaliya iyo puntland, halkaas, ayaana lagu soo bandhigay Baahiyaha ka jira deeganada puntland iyo mashariicda kale duwan ee laga fulin karo, taas oo lagu horumarinayo arrimaha bulshada dhaqaalaha amniga shaqalaha.
Dhamman Golaha wasiiradda Dowlad goboleedka puntland, ayaa tilmaamay in wasiir kasta ay ka dhaxeyso wada shaqayn wanaagsan, iyadga iyo kuwa dowladda dhexe.
shirka Wada jirka ah ayaa lagu go’aamiyey in si dhaqso ah Loo sii daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqol Muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah, si ay ugu dhamaystaan xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa, iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka Arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda XFS.
Leave a Reply