Shirkii Golaha Wasiirada Soomaliya ayaa looga hadlay Xasuuqa iyo Kufisga Kenya Kawado Gobolka Gedo

dil

Waxaa Magaalada Garoowe kusoo dhamaaday Shirkii Asbuuclaha ahaa ee Gollaha Wasiirrada Soomaliya oo lagu ansiyay arima aad muhiim ugu ah Qaran dhisida Soomaaliya sida Tubta dhaqaalaha loodhanyahay, Barnaamijka Isxil-qaan ee 2020 iyo soocelinta Shilinkii Soomaaliya. Waxaan warbixin kasiiyay Gollaha xaalada kajirto Gobolka Gedo gaar ahaan dhacdooyinkii udanbeyay sida Gabdhihii ay Ciidamada Kenya kufsadeen,Anteenooyinka laburburiyay iyo khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee ay geysteen Ciidamadaas si faah faahsan.

Kadibna Way kadoodeen Gollaha arinkan ayaga oo aad uga xanuunsaday dhibaatada kajirto Gobolkas qirayna in ay soo laalaabteen dhacdooyinkan. Dood dheer kadib waxuu Ra’iisul Wasaaraha faray in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka uu isuguyeero wasaarradaha Amaanka, Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Boostada iyo Isgaarsiinta, Arimaha Gudaha, Arimaha dibada iyo Xeer ilaalinta ugu danbayn Axadda soosocoto kadibna u soo gudbiyaan warbixin waafi ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa Xusuud mudan Ra’iisalwasaare Kuxigeenka Dalka soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta biyaha Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo Golaha wasiirada Horgeeyey Xasuuqa, dialalka iyo Kusiga ka socda Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.