Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo la hadlay Puntland-TV ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Cabdifitaax Maxamed Cali iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo habeennimadii khamiista ku nafwaayey qarax lagula beegsaday degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, waxaana uu qaraxaasi ku eedeeyay maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa sida uu sheegay Madaxwayne kuxigeenka Puntaland.
Leave a Reply