Wacigelinta dhismaha golaha deegaanka oo lagu qabatay Caabudwaaq

taakooy

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan isugu jiray wacyigelin iyo diyaar garowga dhismaha Goloaha Deegaanka ku qabtay Degmada Caabudwaaq.
Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq oo daahfuray kulanka ayaa sheegay dhismaha golaha deegaanka uu muhiim u yahay in la helo maamul ka yimaada shacabka degmada, waxaana uu ku soo dhaweyay Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy).

Xubno ka kala socday xaafadaha kaladuwan ee Degmada, Aqoonyahano iyo golaha guurtida ayaa qayb ka ahaa kulanka looga tashanayay dhismaha golaha deegaanka, waxaana su’aalo ku aadan habka dhismaha golaha deegaanka lagu waydiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.