Muuqaal:Soomaliya oo ka qayb qaadatay Heshiis dhexmaray Dawladda Iyo Mucaaradka Suudaanta Koonfureed

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

Madaxwaynha soomaliya ayaa Magaalada Addis abab ee dalka Itoobiya waxuu Bishii hore uga qayb galay sidii Madaxda iyo mucaaradka Sudaanta Koonfureed laysugu keeni lahaa taas oo lagu guulaystay waana tan Maanta heshiiskii lagu dhamaystiray Magaalada Khartuum ee dalka Suudan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.