Agaasimaha Wasarada Arimaha Gudaha Jubaland oo xariga Kajaray Maktabada Garbaharay 1000 Doolarna ugu Deeqay

garbaaray

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdirixmaan Cabdi Axmed ayaa maanta waxuu xariga kajiray Maktabada Guud ee Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo waxuuna Agaasimaha wasarada arimaha Gudaha Jubbaland ku wareejiyey Maamulka Maktabada Garbahaaray Lacag dhan Kun (1000) Doolar waxuuna kaloo balan qaaday Mashaariic kale oo lagu hormarinayo Maktabada iyo Magaalada Garbaaharay.

Maamulka Maktabada Garbaaharay iyo Marti sharaftii ka qayb gashay Munaasabadii lagu daah furaayey Maktabada Garbahaaray ayaa waxay umahadceliyeen Agaasimaha Wasarada Arimaha Gudaha Jubbaland Mudane Cabdirixmaan Cabdi Axmed sida wanaagsan ee ugala soo qayb galay Shacabka Gobolka Gedo Furitaanka Maktabada Guud ee Magalada Garbahaaray taas oo maanta kadhacday Magaalada Garbaaharay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.