Daawo:Ra’iisul Wasaara Khayre oo daah-furay Golaha Dhaqaallaha Qaranka

khayre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha dhaqaalaha qaranka kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga fekeraan una dejiyaan siyaasado iyo istiratiijiyado looga faa’iidaysan karo khayraadka ballaaran ee Alle ku manneystay Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.