Maqal iyo Muuqaal:Ra’iisul Wasaare Kheyre Masuulkii Lagu Helo Musuq Maasuq Xarig buu mutaysanayaa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Khudbad dhiira Galin iyo Baraarunta ah ka sheegay Xafladii Maamilinta Dhalinyarada oo kadhacaday Muqdisho ayaa markale shaaciyey in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan aqbaleyn in la musuq maasuqa hantida Qaranka,cidii ku kacdana talalabo laga qaadi doono.
Waxa uu sheegay cid walba oo ka tirsan dowladda iyo kuwa iskudaya in ay musuq maasuq ku dhaqaaqaan in aysan calfan doonin tallaabana laga qaadi doono waxaa kalo hadalada Ra’iisalwasaare Khayre kamida.

“Ma aqbaleyno in dalkaan lagu dhaqo musuq maasuq,Qof walba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama cid kale ahaaw ee xil u haya Dowlada Soomaaliyeed ee ku fikiraya in aan ku tagrifasha xoolaha Ummadda ama musuq maasuqa,waxana kuu sheegayaa inaadan calfaneyn ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.