Alshabab Lagu Qabtay Duleedka Magaalada Muqdisho

shabab

Ciidammada Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaadday fariisin ay ku lahaayeen ciidanka deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.
Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay iyadoo mid ka mida uu dhaawac yahay.
Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay heleen xog ku saabsan Maleeshiyo dooneysay inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii Argagaxisada ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah.
Sidoo kale Sarkaalka ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta Argagaxiso ee ay kooxda Al-shabaab ka qabteen iyagoo nool.
Ciidammadda Xoogga Dalka ayaa wada howlgalo ay si joogta ah ugu fashilinayaan Falalka amni darro oo Nabad diidka ay doonayaan inay shacabka u geystaan, iyagoo Habeen iyo Maalin wada baaritaano xoog leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.