Beesha Harti ee Jubooyinka oo eedeyn usoo jeediyey Madaxweynaha Jubbaland

madoobe

Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka ee beelwaynta Harti ee gobolada Jubooyinka ayaa waxay eedeen usoo jeediyeen  Madaxweynaha jubbaland Axmed Islaam Axmed madoobe waxayna ku eedeeyeen Amni daro, Maamul xumi iyo Qaddarin la’aan ay beesha Harti ka tirsaneyso hogaanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Beelwaynta Harti gudo iyo dibadba waxay la garab istaagtey Maamulka Jubbaland Maal, Muruq iyo maskax, Nasiibdarose waxaay maanta u muuqataa beesha Harti in madaxda sare ee maamulka Jubbaland ay hareer mareen hadafyadii siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee shacabka Jubbaland ku naaloonayey si looga miro-dhaliyo halgankii dheeraa ee loo soo galay dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Hadaba beesha Harti waxay si toos ah dusha uga tuureysaa maamul xumida, amni darida iyo dhaqaale burburka ku habsadey shacabka reer Jubbaland hogaanka sare ee maamulka Jubbaland oo ka gaabiyey iney gutaan waajibaadkii loo igmaday.

Sidoo kalena waxay Beelwaynta Harti halkan ku soo bandhigeeysaa arimaha uu maamulka Jubbaland ka gaabiyey iyo dhibaatooyinka sida gaarka ah beesha u gaaray, Maamulka Jubbaland wuxuu ku guul dareystay inuu difaaco magacii isaga laftiisa lagu unkay ee ahaa Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland kaas oo hada noqday maamul ku kooban Magaalada Kismaayo.

Maamul xumida hogaanka Axmed Madoobe waxay keentay ammaan darro, horumar la’aan iyo in mugdi iyo shaki kala galo beelahii bud dhigga u ahaa dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, taasna waxay keentay in Magaalada Kismaayo ay go’doon gashay taas oo Alshabab Dhinac kasta ka fadhiyo waxaana adkaaday Noloshii iyo dhaq dhaqaaqa Bulshada.

Axmed Madoobe waxaa uu ka Masuul yahay qorsho masaafurin oo Masuuliyiin, Odayaal iyo dhalinyaro ka tirsan beesha Harti inta la xiro laguna yiraahdo waa shabaab qaarna Kismaayo laga masaafuriyo iyadoo loo masaafurinaayo Puntland iyo Magaalada Muqdisho.

Hadaba beesha Harti waxay Cambaaraynaysaa dagaalka Qorshaysan ee Duuleedka Kismaayo uu kawado Axmed Madoobe iyo Beelo uu adeegsanayo taas oo larabo in beesha Harti laga barakiciyo deeganadoodii ay lahaayeen.

hadaba waxay Beel waynta Harti u aragtaa hogaanka Jubbaland inuu yahay mid ku sifoobay waddadii fashilka, loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo sidii loo badbaadin lahaa masiirka reer Jubbaland oo halis ku sugan.

Ugu dambanytii Beesha Harti waxay maamulka Jubbaland ka tirsaneysaa amni xumo, dil, dhac iyo bah-dil joogto ah oo ay kula kacaan ciidamada ilaalada Madaxwaynha jubbaland Axmed madoobe, Shacabka Jubbalandna waxay ugu baaqaysaa Shir dag daga oo aayaha Jubbaland Looga Tashanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.