Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in la arki doono Soomaliya oo loo soo shaqo doonto

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo abwaannada Soomaaliyeed kula hadlay xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga ayaa sheegay in abwaannadu ay muhiim u yihiin wacyi-gelinta bulshada, nabadda, xasiloonida, dib u dhiska dalka iyo soo celinta karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday abwaannadda Soomaaliyeed in ay runta u sheegaan kuwa doonaya in ay qarankeenna dumiyaan si aanan aduunyada uga harin maadaama la joogo xilligii suugaanta loo adeegsan lahaa dib u soo kabashada dalka, isaga oo tilmaamay in hadii aan abwaannada la siin dawrkooda uusan dalku horumar gaari karin, sidaas oo kalana hadii abwaannadu aysan u istaagin jihaynta dalka, la dagaalanka musuqa, qabyaaladda, in ay adkaanayso in dalku uu gaaro horumar la taaban karo.
“Waxaan aan idiin sheegayaa aniga iyo madaxweynahaba in aan aqoonsannahay dawrka aad ku leedihiin bulshada, hadii aan laydiin siin dawrkiinna waa ay adkaanaysaa in dalka dib loo dhiso. Waxaan rabaa in hadafka dawladda iyo kiinnuba uu ahaado in aan soo celinno waqtigii suugaanta lagu dhisi jiray dawladnimada, waxaan rabaaa in aan bilaawno in suugaanta aan u isticmaalno in lagu wacyi geliyo shacabka si quluubtooda loogu dhiso, lagu taageero nabadda iyo xasiloonida, si loo soo celiyo qabkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed, lagula dagaalo qabyaaladda, colaadaha, dhismaha dawladnimada iyo dib u heshiisiinta, laguna kala sooco xaqa iyo baadilka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre.
“In halkaan ay fadhiyaan dhallinyaro badan oo sii wadi doona shaqadii aad xilliga dheer soo waddeen waa wax dawladnimada farxad gelinaya. Horumar ma sameynayo waddan aanan abwaanintiisu horumuud u aheyn, jihaadka safka hore uga jirin, bilaabin sidii dalka dib loogu jihayn lahaa, aan dadka u sheegin in la kala garto samaha iyo xumaanta”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Abwaannada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay dad Soomaaliyeed oo si dhab ah uga qayb qaata dib u dhiska dalka, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya mustaqbalka ay aduunyada kale waxbrasho iyo caafimaad u soo doonan doonto, hadii abwaannadu ay u istaagaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.