Daawo:Axmed madoobe taliyaashii uu kudhaaran Jirin xilka Laga Qaaday iyo Fashilkii Itoobiya Ka raacay

madoobe

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland oo maanta kusoo noqday Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa waxuu ka warbixiyey safarkiisii uu kutagay dalka dibadiisa iyo kii uu ku fashilmay ee uu ku tagay Magaalada addiss abab ee dalka Itoobiya.

Axmed madoobe ayaa waxuu sheegay inuu ka xun yahay sida dowlada Soomaliya ay u wado dagaal kadhan maamulkiisa kaas oo sabab uga dhigay in xilkii laga qaaday Taliyaashaa isaga garabkiisa ahaa sida Taliyaha Ciidanka jubbaland iyo taliyihii Nabsugida kuwaas oo dowlada Soomaliya usoo magacowday Taliyaal cusub.

Axmedmadoobe ayaa waxaa kaloo sheegay in dowlada Soomaliya ay jabisay heshiisyadii aan horay ugu heshiinay kuwaas oo ahaa in isbadalka Ciidamada Lagala Tashado oo aan lafara marooqsan marka Xilal sare lamagacaabayo.

ugu dambayntii Axmed madoobe ayaa waxuu dowlada ku eedeeyey inay ka gaabisay la dagaalanka shabaab waxuu kaloo sheegay in dowlada Federaalka soomaliya ay faragalinta ka dayso maamulka Jubbaland, hadaladaan kasoo baxay Axmed madoobe ayaa waxay imaanayaan iyadoo ay shacabka jubbaland ay wadaan kacdoon ka dhan ah Axmed madoobe kaas oo 5 sano kismaayo dhinac u dhaafi waayey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.