Sawiro:Waftigii Eratariya oo casha sharaf loogu sameeyey Muqdisho

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Mudane Cismaan Maxamed Saalax.

Marti sharafkan oo ay goob jog ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, ayaa qaar ka mid ah kooxo faneedka qaranku waxa ay u soo bandhigeen wafdiga dalka Eritrea suugaan ka tarjumeysa hiddaha iyo dhaqanka soojireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey taariikhda magaalada Muqdisho ay u leedahay soo dhaweynta iyo marti gelinta Madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada Soomaaliya, isagoona sheegay in munaasabaddan ay ka tarjumeyso dib-u-kabashada dalka iyo sida uu u soo kobcayo amniga Caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso bur burkii ku dhacay.

Sidoo kale, Wasiirka dalka Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.