Taliyayaasha Ciidamadda Dowladda oo Xalay Kormeeray Baraha Kontarool ah

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale, ayaa xalay kormeero kedis ah waxa ay ku mareen dhammaan Baraha kontarool ee laga soo galo Magaaladda Muqdisho iyo qaar ku yaallo gudaha Caasimada.

Kormeerka ayaa waxa uu ka bilowday Deegaanka Gubadley, Waxaana Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay mareen goobo ay kamid ahaayeen Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Deyniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda, kuwaasi oo fadhiyo iyo Baro Kontarool ay u tahay Ciidanka ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, ayaa Ciidankii ku sugnaa goobihii ay kormeerka ku sameeyeen waxay ku boggaadiyeen shaqada adag ee ay hayaan, iyaggoo kula dardaarmay inay dardar geliyaan Howsha Qaranka ay u hayaan.

Kormeerkaan oo kedis ahaa, ayaa ujjeedka laga leeyahay waxa uu ahaa in Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay oggaadaan sida dhabta ah ee ay u shaqeynayaan Ciidanka Ammaanka iyo haddii ay jirto habacsanaan shaqo, taasi oo sahleysa in shaqada meelaha ay ka dabacsan tahay laga dhuujiyo, lana Abaal mariyo kuwa shaqada si wanaagsan u wada, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.