Guddoomiye Yariisow oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose

camey

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.
Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda.
Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda.
Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.