Gdoomiye Yariisow Muqdisho waxay Noqon doontaa Magaalooyinka ugu ammaanka fiican Adduunka

yariisow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay in ammaanka caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho uu haatan marayo meel wanaagsan.

Eng; Yariisoow oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in hadafkoodu uu yahay in Magaala madaxda Dalka oo uu ku tilmaamay Hooyadii Ummadda Soomaaliyeed iyo Qalbigii Shacabka ay kusoo laabato sidii ay Beri-samaadkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduunka ugu nabdoon.
Guddoomiyaha ayaa tallaabooyinka ay u marayaan ka gun gaaridda ammaanka caasimadda ku qeexay inay dib u habayn ku sameeyeen ka maamulka iyo maaliyadda Gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo Degmooyinka Caasimadda.
Mudane, Yariisoow ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay Bulshada u leedahay fidinta maamulka, isagoo sheegay inay talada gaarsiiyeen Degmooyinka, Xafiisyana ay ugu fureen Shacabka, halkii ay Dadku markii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose.
Sugidda amniga caasimadda ayuu sheegay Guddoomiye Yariisoow in ay u wajaheen si ka duwan qaabab hore, wuxuuna sheegay in ay isku xireen Dowladda hoose iyo Ciidamada taasoo ay barbar socoto barnaamijka derisaynta oo ay ka qayb qaadanayaan mutadawaciin Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa xusay siyaasadda bara-kacayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi kala hadleen Beesha Caalamka iyo hay’adaha sama-falka, si ay u helaan xuquuqdii ay u baahnaayeen.
“Waxa kaloon dedaal iyo juhdi gelinnay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha bara-kacayaasha, oo dhib weyn qaba, kuwaasoo aan helin xuquuqdii ay u baahnaayeen, iyadana waxaan Beesha caalamka aad ugala hadalnay sidii aan u hagaajin lahayn xiriirka iyo wada shaqaynta Gobolka Banaadir uu u qaadan lahaa doorka hoggaamineed, waxaan diyaarinnay siyaasaddii bara-kacayaasha oo ay ka qayb qaateen Bulshada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Mudane,Yariisoow ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan qorsheynayaan sidii Caasimadda looga hir-gelin lahaa nidaamka Dimoqraaddiyeynta, taasoo uu ku macneeyay in Degmo walba Golayaasheeda degaanka oo la soo doortay ay ka qayb qaataan, si Sanadda 2020-ka loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.