Maqal iyo Muuqaal:Axmed madoobe oo sheegay inuu diyaar u yahay in lasaxo lagana daayo Hadalada Xun

axmed madoobe

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam axmed Madoobe oo lahadlaayey shacabka Jubbaland ayaa waxuu sheegay in wax lagu qaban karo wadajir waxaana loo baahan yahay in madaxda in loo nasteexeeyo oo aan wax laga sheegin talana lasiiyo.

Axmed madoobe ayaa waxuu sheegay dadka Xafiiskiisa imaanaya inay usheegaan oo kaliya inay arkeen asagoo hawada maraya ama nabigana la jooga waxayna kuu sheegayaan wax xaqiiqda ka fog, hadaladaan kasoo yeeray axmed madoobe ayaa la ogayn inay tahay hadaladii uu sheegi jiray iyo inay daacad ka tahay oo uu doonayo in lasaxo oo talo lasiiyo madaada Xiriirka udhaxeeya Axmed madoobe iyo shacabka Jubbaland uu aad xumaaday kadib markii tacadiyo badan ka dhaceen Magaalada Kismaayo kuwaas oo shacabka Jubbaland loo gaystay Dil, Dhac, Boob iyo Burburin hantida Shacabka.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.