Daawo:Taliyaha Cusub Ee Ciimada Xooga Dalka Soomaliya Ayaa Xilka Kala Wareegay Taliyihii Hore

ciidan

Waxa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ka bilaabatay xafladda xil wareejinta taliyaha cusub ee CXDS Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho qarshe) iyo abaanduulaha cusub ee CXDS Jeneraal Odowaa.
Munaasabada Waxaa goob joog ka ah wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya Maxamed Xasan Cali (Amar dambe) iyo qaar ka mid ah taliyaasha ciidamada qalabka sidda.

Xafladda sidoo kale waxa ku sugan labada Jeneraal ee xilalka laga qaaday Jeneraal C/Wali Jaamac Gorod iyo Jeneraal C/llaahi Cali Caanood oo diyaar u ah iney xilalka wareejiyaan, Janaraal Caanood ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo maalmahan ku sugnaa Magaalada Marko oo ay shabaab ka qabsadeen Todobaadkan bilowgiis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.