Akhriso:Hambalyo Dhiragalin iyo Taageerada RJAee ku socota Garbaaharay iyo Baardheere

yuusf

Waxaan dadweynaha reer Garbaharey iyo reer Baardheere ku ammaaneynaa sida quruxda badan ee aay u muujiyeen shucuurtooda. Runtii arrin aad loogu baahnaa weeye in aay garteen dhagarta Kismaayo looga soo maleegay ee uu heegeysnaa Aw Xirsi.

Waxaan shaki lahayn in dabadhilfyada hoos roora Axmed Madoobe ujeedkoodu ahaa in aay ka shaqeeyaan kala qaybinta bulshada Gobolka Gedo ku dhaqan ee aan walaalaha nahay.
Runtii waxaad si qiima leh, dimoqoraadiyad ku saleysan aad dal iyo dibadba ugu cadeyseen dareenkiina. Waa tallaabo ku dayasha mudan, casharna u noqon karta reer Jubaland.

Waxaan idiin cadeyneynaa haddaynu nahay dhaqdhaqaaqa RJA in had iyo jeer aanu garab taaganahay bulshada reer Jubaland in aay helaan maamul caadil ah oo horumarkooda ka shaqeeya.
Sidoo kale waxaan idinku dhiirigalineynaa inaad iska diidaan dulmiga, isku dirka, kala qoqobka uu xeeladda ka dhigtay maamulka Kismaayo ee gabalkiisii dhacay iyo kuwa u adeega ee bulshada kal dallaala .

Ma aha markii u horeysey ee dibadbaxyo lagu diidanyahay maamulka Jubaland hab dhaqankiisa lagu diidanyahay. Waxayna hore uga dhaceen bannaanbaxyo waaweyn Degmada Afmadow iyo Degmada Kismayo.
Waxaan dhammaan reer Jubaland ku boorineynaa in aay gacmaha isqabsadaan, awoodoodana mideeyaan ayna taageeraan ururada u taagan isbedeldka iyo cadaalada.
Guul iyo midnimo.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.