Daawo:Wasiirro ka tirsan Jubbaland oo Garbahaareey lagu weeraray

axmed madoobe

Magaalada Gabahaarey ee gobalka Gedo waxaa ay shacab iyo ciidan dibad bax dhigayay ku weerareen wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaldn oo uu kamid yahay wasiirka qorsheynta.
Aadam awxeri oo ah wasiirka qorsheynta ee Jubbaldn ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac fudud uu gaaray kadib markii ay shacab ka soo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland ay weerareen guri uu ka deganyahay magaalada Garbahaareey.

Carada shacabka ayaa timid kadib markii wasiirrada la sheegay in ay hordhac u yihiin wafdiga madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo la sheegay in qorsheynayay Tagista Gabbahareey ee maalmaha soo socda.

Dadkaan banaanbaxay oo uu kamida ahaa Abwaan Aadan Shinbiralays ayaa waxay Jeexjeexeen Masawirka axmed madoobe kuwaas oo ku qaylinayey erayo lagoo soo horjeedo axmed madoobe iyo xukuumadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.