Dagaal Qoryaha kala duwan laysu adeegsaday oo Ka dhacay Magaalada kismaayo

deg

Dagaal socday muddo sodon daqiiqo ah kaasi oo kadhacay xerada FIAT ee magaalada kismaayo ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Qorshaha dagaalka ayaa ahaa sidii maleyshiyaadka weerarka qaaday ay usoo furan lahaayeen shacab si xaqdarro ah ugu xiran xabsiga FIAT kuwaas oo u badnaa dad diidan caburinta iyo dhibaatada ùu axmed madoobe kismaayo ku maamulayo, kuwaas oo ka careysan sida ùu u shaqeeyo Maamulka axmed madoobe.

Waxaa hada gaaray goobta shan gaari oo ka timid madaxtooyada kismaayo, kuwaas oo iskacaabin kala kulmay kooxihii weerarka xarunta FIAT, waxaana maleyshiyaadkii FIAT weeararay ay hadda fuuleen dabaqyada magaalada dhexdeeda ah kuwaas oo u diyaarsan in ay iska caabiyaan maleyshiyaadka madaxtooyada ay soodirtay.

Ma cadda sida xaalku noqon doono iyadoo ay isa sootareyso banaanbaxyada iyo mucaaradnimada xargaha goosatay ee axmed Madoobe lagaga soo horjeedo, kuwaas oo sida muuqata kufiday deegaanada jubbaland oo idil, iyadoo banaanbixii u dambeeeyey ùu maanta kadhacay Garbahaarreey kuwaas oo gabi ahaanba lagu diidanaa maamulka kaligii taliska ah ee Axmed Madoobe.

Wararkeena dambe kala socda warar dheerad ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.