Muuqaal:Madaxwayne gaas oo kulan laqaatay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi.

gas

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlanad.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta martiqaad qado sharafeed ah ugu samayeey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.