Daawo:Gaashaanle Sare Aadan Jaamac Cali oo weerar afka u qaaday Axmed Madobe iyo Hoosjogayashisa

aadan

Gaashaanle Sare Aadan Jaamac Cali oo kamida Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa waxuu ka hadlay Kacdoonka ay wadaan Shacabka Jubbaland ee looga soo Horjeedo Axmed Madoobe iyo Xukuumadiisa kuwaas oo ku fashilamay Hogaanka Jubbaland, Gaashaanle Sare Aadan Jaamac ayaa waxuu sheegay inay dhowdahay markii shacabka Jubbaland Guusha gaari lahaayeen loo baahan in laxoojiyo kacdoonka ka dhan ah Madaxda Jubbaland.

Waxaa kaloo Aadan jaamac ka hadlay isku day Axmed madoobe qabiilada Jubbaland ku kala qaybinaayey kaas oo ahaa in Qabiil ahaan loo soo wareerayo Taas oo shacabkii Jubbaland fahmeen hadaan shacabka Jubaland ka midaynsan yahay sidii Madaxda sarre Jubbaland Xukunka looga Tuuri lahaa.

Uga dambayntii waxuu Gaashaanle Sare Aadan Jaamac Cali ugu baaqay shacabka Jubbaland inay ilaahay ka baryaan in mid axmed madoobe dhaama oo waxka qabta baahiyaha kajira Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.