Kheyre oo Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow loogu Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre markuu tixgaliyay Baahida loo qabo in la magacaabo La-taliye sare oo Khibrad u leh Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta, markuu arkay Qodobada Dastuurka ee kala ah Qodobka 99-aad (A) (D) iyo Qodobka 100-aad (A) (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Marku arkay Taariikh Nololeedka (CV), Kartida, Aqoonta iyo Waaya arragnimada Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow wuxuu u magacaabay Magacaabay La-Taliyaha sare R/wasaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.
Mudane DR Cabduraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow ayaa ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee doorka weyn kasoo qaatay Dib u heshiisiinta, Horumarinta Waxbarashada iyo Bulshada intii dalka uu ku jiray Burburka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.