Muuqaal:Wasiirka Amniga Somalioya ayaa manta shir Guddoomiyey Shir looga hadlayey Horumarinta Ciidanka Boliska Soomaaliyeed

ducaale

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shir guddoominayay Kulan u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo looga hadlayay qorshaha horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kaasi oo dhawaan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ku kala saxiixdeen 42 Milyan.
Dowladda Soomaaliya waxa ay shirka ku soo bandhigtay baahiyaha gaarka ah ee la xirira horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo ay ka mid ahayd qorshaha sugidda Amniga garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo dhawaan amnigiisa lagu wareejiyay ciidanka booliska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.