Daawo:Khayre oo ka qayb Galay Barmaamijka isxilqaan ee nadaafada gobolka Banadir

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Mudane, Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta kormeeray goobaha uu haatan ka socda ololaha barnaamijka is-xilqaan ee Gobolka Banaadir.
Mudane , Kheyre oo u kuurgalayay sida uu u socdo ololaha nadaafadeed ee is-xilqaan ayaa tagay Shanta Waax ee Degmada Warta Nabadda, isagoo aad u bogaadiyay sida waddaniyadda leh ee ay maamulka iyo bulshaduba u gudanayaan waajibaadkooda Qaran.
Wuxuuna sidoo kale ku dhiirri-geliyay Ra’iisul wasaaruhu muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee sida hufan ugu guntaday hir-gelinta Barnaamijka is-xilqaan, kaasoo lagu soo celinayo bilicda caasimadda Dalka ee Muqdisho.
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda oo ay Wehliyaan dhamaan xubnaha mamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qayb qaadanayey ololahan nadafadeed.
Xogyaha guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Warta nabadda oo ayaa xusay in Todobaad kasta laga samayn doono Degmo, si loo taabba-geliyo Barnaamijka is-xilqaan
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Sooaaliya mudane, Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu dhawaaqay in Todobaad kasta Maalinta khamiista ah la samayn doono ololaha nadafadeed si loo soo celiyo bilcida caasimadda iyo dhammaan Magaalooyinka Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.