Heshiis Sadex Geesood ah oo ka dhacay Asmara

Wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eratariya ayaa heshiis ku gaaray Magaalada Asmara ee dalka Eratariya Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Heshiiskan waxaa Saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Intii ay kulanka lahaayeen masuuliyiintaasi waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli laha khilaafka soo kala dhex galay dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.

Waxaa ayna ku heshiiyeen in la billaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya AXmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha ka dhex taagan Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda ay go’aamiyeen in wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay si degdeg ah u bilaabayaan wadaa xaajoodyada labada dhinac si loo soo afjaro xisadaha labada dal ka dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.