Madaxweyne soomaliya oo Ururka ONLF kala hadlay xoojinta nabadda iyo hormarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Casmara ee dalka Eretria kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF admiral Maxamed Cumar Cusmaan.
Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii ONLF ay uga qeyb qaadan lahayd dadaalka loogu jiro nabadda iyo hormarka, waxa uuna intaas ku daray Madaxweynuhu in la joogo waqtigii nabadda la dhiirigalin lahaa lagana gudbi lahaa colaadda iyo khilaafka muddada ka jiray gobolka.
Ugu dambayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Admiral Cumar in ONLF qaadato door horumarineed oo xoojinaya dadaallada loogu jiro xaqiijinta nabadda, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar u ah dadka Soomaaliyeed.
30-kii bishii July ee sanadkan ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar kulankii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Casmara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.