Dowlada Soomaliya oo Dabagal ku samaynaysa Lacag ay dhunsadeen Madaxda maamul goboleedyada

Keating

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ka codsatay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada”.

Warqad todobaadkan ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya oo BBC ay heshay nuqul ka mid ah ayaa lagu sheegay in “la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dawladda federaalku soo gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.
Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray 2017.

Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”.
Waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”.
Warqad kale oo ka soo baxday isla xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa bishii May maamullada looga codsaday in “rubuc sannadeed kasta isticmaalka kharashaadka lagu wareejiyey”.

XIgasho Bbc
bbc
bbc

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.