![mahadi mahdi](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2018/09/mahadi.jpg?resize=678%2C368&ssl=1)
Wasiir dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo dhowaan loo magacabay Xilkaasi, ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin Nuur.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Marwo Aamino Saciid Cali iyo masuuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad celiyey Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin nuur mudadii uu kasoo shaqeeyey Madaxtooyada iyo shaqadii uu soo qabtay dalka.
Leave a Reply