Daawo:Madaxda Galmudug oo kasoo Horjeesatay Go’aankii maamul goboleedyada

Magalada Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka maamulka Jubbaland ayaa waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyey Shirkii Madaxda maamul goboleedyada kaas Shan Maalin uga socday waxaana laga soo saarey Warmurtiyeed aysan Bulshada Soomaliyeed ku farxin.

Waxaana Warmurtiyeedkaas lagu sheegayn In dowladdu ay joojiso faragelinta Guracan oo ay ku heyso Dowlad Goboleedyada, Inay Garawshiyo ka bixiso xiisad abuurka iyo faragelinta joogtada ah iyo in la helo Hanaan iyo heshiis oo leh damaanad lagu kalsoonaan karo.

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carab ayaa ka horyimid Go’aankii kasoo baxay Shirkii maamul Goboleedyada kasoo oo ku sheegay Shacabka iyo Madaxda Galmudug waxay taageersan yihiin dowlada soomaliya sababtoo ah waa dowladii Soomaliya Cidna Xirir uma jari karto.

waxa kaloo weerar ku qaaday Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi in maamulka Jubbaland dhib iyo fowdo kawado deegaanka Juubbaland isagoo iska horkeenayo shacabka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.