Daawo:Madaxwayne Farmaajo oo sheegay 140 Malyan Daqliga Somaliya garaay iyo 120 Milyan oo Somaliya logu deeqay

barlaman

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxuu ka jeediyey Qudbad Taabanaysa dhinacyo Badan sida Siyaasadda,Amaanka,Doorashooyinka 2020, dib u eegista Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in sanadkii 2017 dowladda ay dakhli fiican ka ururisay Gudaha kaas oo gaaraya $140 Milyan oo doolarka Mareykanka ah waxaana dib u habeynta lagu sameeyay dhaqaalaha waana mida Midowga Yurub uu $120 Milyan oo doolar u balan qaaday in uu ku taageerayo Miisaaniyadda Dowladda Federaalka.

Madaxwaynaha Soomaliya ayaa sidoo kalena waxaa uu sheegay in horumar fiican laga gaaray qorshaha Deyn cafinta waxaana Soomaaliya lagu leeyahay $5bilyan oo doollarka Mareykanka ah, sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso dhismaha Ciidan qaran oo sida uu sheegay looga seexan karo amniga Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.