Xildhibaanada Galmudug oo Xilkii ka qadaay Madaxwayne Xaaf

xaaf

Kulan ay Maanta Kuyeesheen Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Galmudug Oo uu shir Gudoominyay Gudoomiyiha Baarlamaanka MGalmudug Cali Gacal Casir ayaa waxay Xilka Kaqaadeen Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Tirada Xildhibaanada Sooxaadiray Kulankaa Oo Gaaray 47-Xildhibaan oo dhamaantood ahaa Xildhibaanadii Galmudug Ayaa Cod Gacantaaga Ugu Codeeyay Xilka Qaadista Madxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Natiijada Xilka Qaadista Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Waxaa Ku dhawaaqay Cali Gacal Casir Waxa uuna sheegay in Xilkaasi uu Sii Qabanayo Madaxwayne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.