Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacaday Munaasabad lagu soo bandhigaayey Buug ay qortay qoraaga wayn Asmo Shiiq Maxamed Cabdulaahi oo kamida Qorayaasha Soomaliyeed waxaana Munaasabadaan lagu soo bandhigaayey Buugaan ka qayb galay Maamulka Degmada Caabudwaaq, Aqoon yahano, Suugaanleey, dhalinyaro, Ardayda waxka barata Jamacada ummada iyo Iskuulada Magaalada Caabudwaaq.
Qoraa Asmo Shiiq ayaa waxay Bulshada Caabudwaaq uga warantay Qiso ayada kudhacda oo ka ilmaysiiysay dadkii Halkaas iskugu Yimid waxayna tiri.
Diir iyo colaad
Intaan dunida soo joogay
Dalkayga malahayn
Meel dadka lugu dalaaloo
Lugu dooxo kuligood
Damiir laawihii
Igu diirka ahaana
Doollar ayuu i dhaafsaday
Leave a Reply