Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Bayle ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay lacag dhan 80 Milyan oo bankiga aduunka ugu deeqay Soomaliya si wax looga qabto baahiyaha kajira dalka soomaliya.
Bankiga adduunka ayaa ansixiyey in Soomaaliya la siiyo 80 malyan oo Doollar oo ay ku bixiso isbeddelada lagu samaynayo hanaanka dhaqaalaha, taasoo noqonaysa markii 1aad ee ay lacag noocaas ah hesho Soomaliya muddo 30 sano ah taasina waa horumar ay gaartay Dowlada Soomaliya.
Leave a Reply