Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo gaaray Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur, Dadweyne aad u faran ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mukhtaar Roobow iyo qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Maamulka Koofur galbeed.
Soo dhaweyn kadib ayaa waxa uu u mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey waxana uu ka hadlay ujeedka uu xilligaan u tegay Magalada Baydhabo, Shir Jaraa’id uu qabtay ayuu sheegay in codsiyo badan ay uga yimideen shacabka koonfur Galbeed,isla markaana xilligaan uu yahay Musharax madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Leave a Reply