
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017.
Leave a Reply