Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada jowhar ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ra’iisalWasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa qorshuhu yahay in ay kulan la qaataan qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Hir-Shabeelle.
Sidoo kale Waxaa la filayaa in R/Wasaaraha uu dhagax dhigo Xarunta baarlamanka hirshabelle iyo xarumo kale oo ku yaala Magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelaha dhexe.
Leave a Reply