![masjid masjid](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2016/05/masjid.jpg?resize=660%2C371&ssl=1)
Munaasabad kooban oo lagu dhagax dhigayay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleyrshe ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,waxaa ka qeybgalay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya,guddoomiyaha Gobolka Banaadir,xildhibaano,safiirka dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya iyo madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya oo hirgelinaysa mashruuca dib u dhiska masjidka Cabdinuur Xaaji Cali.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda qadar Charity oo maalgelinaysa dib u dhiska masjidkan shacabkuna ugu baaqey in ay baneeyeen dhulkaasi.
Leave a Reply