Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 19-aad ee golaha shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaanada golaha waxa ay ka doodeen xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo wax ka bedel lagu sameeyey waxayna qodobo ay ka mid yihiin xasaanada Xildhibaanada, mas’uuliyada shir Guddoonka iyo saameynta Guddoonka golaha ay ku yeelan karto guddoominta kulamada golaha hadii mooshin ama soo jeedin laga keeno aad uga doodeen xildhibaanada golaha shacabka
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamida Xildhibaanada dowlada fedaraalka Soomaliya waxuu sheegay inaan la Aqbali Karin Xildhibanada fedraalka oo ka kooban 275 ay soo xaadirto maalin kasta in ka yar 150 waana in talaabo laga qaado Xildhibaanada ka maqnaada kulamada Golaha shacabka.
Leave a Reply