Daawo:Beelaha Daga Jubaland oo Axmed Madoobe ugu Baaqay Inuu Aqbalo Casumaadii Madaxweynaha Farmaajo

Beesha Xasan Gaalshireedle oo kamida Beelaha Daga Jubbaland ayaa waxay ugu Baaqeen Axmed Madoobe iyo Ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid inay Aqbalaan Casumaadii Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo u fidiyey Madaxda maamul goboleedyada.

Beesha xasan Gaalshireedle oo kamida Beelwayne Mareexaan Sade ayaa waxay shirwayn oo soo dhawayn ugu sameynayeen Ugaas Maxamed Ugaas xasan ugaas yarrow oo soo gaaray Magaalada muqdisho waxay Taageero buuxda lagarab istaageen dowlada Federaalka ah ee Soomaliya.

Ugaas Maxamed Ugaas xasan ugaas yarrow ayaa waxuu sheegay inuu yahay Ugaas Soomaliyeed aadna uga xun yahay dhibaatada ka dhex jirta Dowlada iyo Maamul Goboleedyada waxuuna ugu baaqay maamulka jubaland inay aqbaalan gogashii Madaxwaynaha Soomaliya ku baaqay.

Ugu dambayntii Ugaas Yarrow ayaa wax uu Maamul goboleedyada u sheegay War duur la’aaday iyo aflatuuray dan ma ahan ee Midnimada soomaliya ka shaqeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.